Qoraallada taariikhda waxaa lagu sharraxaa sida ay dhacdooyinka wakhtigooda lasoo dhaafay u dheceen iyo sababaha ka dambeeyay dhacdada iyo sidoo kale saamaynta ay dhacdadaas yeelatay ama ka dhalatay. Mawduuca cutubka lagaga hadlayo wuu kusoo noq-noqdaa qoraalka casharka dhexdiisa. Marwalba waa la qeexaa ama la sharraxaa mawduucyada ugu muhiimsan cutubka. Ka salgaar sawirrada iyo qoraalkooda: Maxay ka sheegayaa arrinta laga hadlayo?