Tilmaamaha cuntosameyska waxaa loo bixiyaa hab amar ahaan ama dardaaran ah (naxwe ahaan hab faritaan ama amar ah) sida: diirka ka fiiq, jarjar, cabbir. Tilmaamaha marka hore si buuxda ayaa loo akhriyaa, ka dibna tallaabo tallaabo ayaa loo akhriyaa adigoo cuntada diyaarinaya. Waxaa muhiim ah inaan tallaabooyinka aad qaadeysid si sax ah isugu xejisid, si aad ugu guuleysatid cuntosameynta una fahantid tilmaamista. Haddii akhrinta tilmaamaha aadan bilowga kasoo billaabin, waxaa kaa kala lumaya hab-raaca tilmaamista. Nambarayntu waxa ay sahlaysaa in qaab sax ah loo raaco hab-raacyada.