Sidee guriga loogu bartaa maaddada daryeelka iyo dhaqaalaha guriga, marka uu imtaxaankeedu soo dhowyahay?

  1. Bilow wakhti fiican dib u eegista iyo ku celcelinta casharka, maalmo kahor inta uusan imtaxaanku billaabanin.
  2. Hubso inaad sharrixi kartid erayada iyo fikradaha aasaasiga ah ee casharka.
  3. Ka fakar sida casharka aad baraneyso ay noloshaada ula xiriirto. Waa maxay waayo-aragnimada aad u leedahay?
  4. Hubi inaad sharaxdo sida loo sameeyo shaqooyinka kala duwan ee guriga. Ku tababaro guriga, haddii aad awooddid.  Dib u xasuuso sidii shaqada loo sameeyay wakhtigii xiisadda/fasalka lagu jiray.
  5. Ku celceli akhrinta tilmaamaha cunto-sameynta.  Ku tababaro guriga, haddii aad awooddid. Dib u xasuuso sidii shaqada loo sameeyay wakhtigii xiisadda/fasalka lagu jiray.
  6. micnaha kelmadaha ayaa maskaxdaada ku soo laabanaya, marka aad xasuusato wixii fasalka dhexdiisa lagu sameeyay.  Maxaad samaysay intaad rogrogaysay? Maxaad samaysay markii aad tijaabinaysay inay bislaatay?  Xagee ka heshay summada/calaamadda daryeelka dharka?
  7. Waa maxay arrimaha iyo erayada weli u baahan in laga salgaaro?