Luuqadda Finnishka waxaa lagu bartaa dhammaan maadooyinka oo dhan. Dhammaan maadooyinka, siyaabaha caadiga ah ee wax loo sheego ayaa la baraa. Tusaale ahaan, cilmiga bayoolajiga iyo kimistariga waxaan ku barannaa samaynta warbixin cilmi baaris, halka maaddada daryeelka iyo dhaqaalaha guriga aan ku baranno sida loo akhriyo tilmaamaha. Maado waliba waxay leedahay erayo gaar ah oo ka duwan erayada maalinlaha ah. Tusaale ahaan, macnaha iftiinka wuu kala duwan nolol maalmeedka iyo fiisigiska. Maaddooyinka kala duwan, waxaan sidoo kale ku barannaa ereyada guud iyo odhaahyada ay wadaagaan dhammaan maadooyinka, taasoo loogu yeero luqadda akadeemiyadda, taasoo leh astaamo u gaar ah, oo si cad uga duwan luqadda hadal-maalmeedka. Tusaale ahaan, ”wixii ka horreeyay dhacdooyinka iyo wixii horseeday wixii dhacay” waxaa lagu sheegi lahaa luqadda maalinlaha ah ”wixii hore u dhacay iyo wixii dhacay dhacdada ka dib”. Kahor dhacdada iyo horseedid waxa dhacay waa tibaaxaha luuqada akadeemiga ah, sidoo kale, tusaale ahaan, kam`a iyo ula kac. Hadalka qoraalka luuqadda akadeemiga ah, waa in lagu bartaa dhammaan fasallada, maadaama looga baahan yahay dhammaan daraasadaha sare eejaamacadda kadib waxbarashada dugsiga hoose/dhexe.