Sideed u barataa luqadda finnishka iyo suugaanta luuqad labaad ahaan (S2)? – 3

Casharada xiisadda S2, waxa lagu bartaa sifooyinka qoraalka noocyadiisa kala duwan, tusaale ahaan wararka, iyadoo la akhrinayo, lagu hadlaya islamarkaana la qorayo. Marka hore waa la akhriyaa, ka dib waxaa laga diyaariyaa qoraallo gaaban iyo kuwo dhaadheer oo kala duwan. Waxaa noocyada kala duwan ee qoraalka mar walba laga bixiyaa tusaaleyn, si ay ardayga ugu sahlanaato qoraal-soo-saarista. Faahfaahinta tusaaluhu, waxay ku xidhan tahay heerka luqadda ardayga: ardeyga ay heerka luuqaddiisu bilow tahay, waxaa lagu tusaaleeyaa kalmado jumlado iyo kalmado isku xidhan, ardeyga ay luuqaddiisu horumarsan tahay, waxaa lagu tusaaleyaa qoraallo dhaadheer oo cabbiraya qaabdhismeed qoraalka, sidaa qaabdhismeedka qoraallada wararka. Qoraalka waxa loo kala qaybiyaa qaybo yaryar, iyadoo loo eegayo aqoonta ardayga .  Wax soosaarka luuqadeen ee ardeyga, waxa lagu tababaraa, iyadoo loo eegayo qaabka ku habboon ardayga. Waxaa kale oo intaa dheer, akhrinta iyo qorista waxaa lagu caawiyaa su`aalo iyo kalmado dheeri ah oo saacidaya ardeyga.