Casharrada buugaagta waxbarashada, waxaa sida caadiga ah loo habeeyaa iyadoo laga billaabayo casharrada fudud ilaa kuwa adag. Leyliga 1-aad, waxaa ka jawaabi kara, xataa ardeyda luuqaddoodu ay bilowga tahay, sababtoo ah jawaabta waxa si toos ah looga heli karaa qoraalka buugga. Leyliga 2-aad wuxuu diiradda saaraa fahamka fikradaha muhiimka ah. Leyliga 3-aad, waxay u baahan tahay in wax la isla xiriirin karo iyo in si weyn loo baadho qoraalka, waxaana loo baahan yahay aqoon luqadeed oo wanaagsan si looga jawaabo. Leyliyada fasalku looga dhex-shaqeynayo waxay noqon karaan kuwo ficil ahaan loo qabanayo (tusaale ahaan, qoraal, riwaayado iyo wada hadal ama ciyaaraha isboortiga) ama waxay u baahan yihiin in si koox ahaan ah looga wada shaqeeyo (koox ama shaqo labo-labo loo qabanayo), sababayn ama xitaa hal-abuurnimo (habka leyliga la isugu dirayo waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, wax alifo/hindis, ka feker, qorshee iwm).