1. Akhri cutubyada buugga oo dib u eegis ku samee xusuus-qorka.
2. Samee shaqada gurigaaga.
3. Ku celceli wax akhrinta markasta. Wakhtiga firaaqada ah, akhri qoraalo yaryar oo finnish ah, tusaale ahaan qoraallada kartoonka caanaha ku qoran, qoraallada baakadda cuntada, magacyada waddooyinka, xayaysiisyada, tilmaamaha looxyada, waraaqaha, maqaallada joornaalada bilaashka ah. Maktabaduhu waa meelo qaali ah!
4. Daawo barnaamijyada TV-ga ee afka finnishka ah ama ka dhegayso hadalka finnishka raadiyaha ama internetka.
5. Si joogto ah u isticmaal luqada Finnishka markasta oo aad awooddo. Ha u beddelanin Ingiriisiga, xitaa haddii aad u malaynayso inaad si fiican u taqaan.
6. Baro inaad si fiican ugu hadasho luqadaada hooyo, si ay u sahlanaato inaad luuqad cusub barato. Maktabadaha waxaad ka heleysaa agab luuqado kala duwan ku qoran. Sido kale Finland waxaa ku yaal maktabad luqado badan wax ku keydisa oo amaahisa dadka deggan Finland oo dhan.
7. Dadka waaweyn kula hadal afkaaga hooyo oo kala sheekeyso dhacdooyinka adduunka, shaqada guriga, Finland, iskuulka , hiwaayadaha. Sidan ayaad ku helaysaa aqoon aad ku fahanto aduunka , taasood ugu baahan tahay si ay kuugu sahlanaato inaan wax cusub barato. Haddii aad taqaanno dhacdo caan ah, ku sheeg ereyga ka turjumaya dhacdadaas oo finnish ah, kadib way kuu fududaaneysaa inaad erayga xasuusato.
8. Baro inaad mid-mid u saxdo khaladaadka luqadda, iyadoo aad ku saleyneysid jawaab celinta macalinka.