- Akhri tuducyada soo noqnoqda ee buugga dhawr maalmood, in yar markiiba. Sameyso maab-maskexeed oo si kooban u qor, liis-garee oo sameyso jaantusyo. Hubi inaad fahantay cutubyada iyo erayadooda. Horumari aqoontaada adiga oo dib u eegaya qoraalada xusuus qorka.
- Ku celi micnaha fikradaha muhiimka ah ee la baranayo: sharraxaad ka bixi oo ku tababaro inaad sax u qortid. Isku bed-bedel fikradaha adigoo kolba jumlado kala duwan raacinaya. Hubi inaadan ku khaldin fikradda fikrad kale oo u dhow ama fikrad-hooseedyo kale.
- Dib u eeg oo ku cel-celi naxwaha, adigoo sameynaya leyliyadii aadan weli ka shaqeynin iyo kuwa aad hore uga soo shaqeysay. Dib u xusuuso arrimahan soo socda:
- Waa maxay macnaha ifafaalaha naxwaha? Waa maxay waxa cusub oo ifafaaladu kusoo kordhineyso kelmadda?
- Weedhee ama jumladdee ayey ifafaaladu la xidhiidhaa?
- Haddii arrinta la baranayo ay la xidhiidho is-rog-rogga kalmadda Kalmaddee la raacinayaa (ficil ahaan, tusaale ahaan. y.1.p. / m.3.p qaabka aasaasiga ah; jirida shaqalka/jirta shibbane ee magac ahaan)?
- Waa maxay tillaabooyinka loo baahan yahay ka hor inta aan qaabka la abuurin?
- – Sidee isbeddelka cutubyadat ula xiriiraa arrinta?
- Haddii arrinta la baranayo ay la xidhiidho jumladda: Isbeddel noocma ah ayaa ku immanaya jumladdo dhan, marka ifafaaladu dhaceyso? (Tusaale ahaan, beddelka falka jumlada oo loo beddelo qaab taban, waxay jumladda kusoo kordhineysaa shaqal dheeri ah (partitiivi): Luen kirjan. – En lue kirjaa.)
- Ku soo celi erayada cutubyada, si aad uga jawaabto su’aalaha dhaadheer. Hubi inaad si sax ah u qori karto magacyada kala duwan.
- Hore usii akhri qoraalka suugaanta, haddii imtxaanku uu ku immanayo. Haddii la oggolyahay in la isticmaalo xasuusqor, hore usii diyaarso xasuusqorka.
- Hore usii baro shuruudaha qiimeynta ee la xiriira su`aalaha qorista iyo hadalka, si aad u ogaato nooca natiijada wanaagsan.