Sidee loo bartaa qoraalka maaddada taarikhda? – 4

Sida ugu fudud ee loo fahmi karo fikradda casharka taariikhda, waa inaad kaarto/nakhshad ka sameysato, tusaale ahaan karto-fikradeed, shaxda is-barbardhig ama fallaadh/xariiqin xilliyeed. Markaad akhrinayso qoraalka, raadi xiriirka ka dhexeeya arrimaha laga hadlayo.

  1. Maxay yihiin arrimaha abuuraya sheekada ay xilliyadeedu isku xig-xigaan
    Soo hel tibaaxaha wakhtiga iyo tibaaxaha marxaladaha kala duwan:
    marka hore, labaad, ka dib, waa hore- ka dib, soo socda, ka dambeeya, ugu dambeyntii
     
  2. Waa maxay sababta iyo saamaynta?
    arrintaas waxaa ka dhashay in …, waxay dhalisay…,  waxay ka dhalatay—, natiijadeedu waa—, sidaas darteed—;waxay saamaynaysaa, saamayn; raacid, natiijo; sabab; waxa shardi u ah; waxa ka dhalanaya; waxa sabab u ah

    Ogow in falku beddelo macnaha: 
    Dagaalku wuxuu ka dhashay cunto yari (sababta). – Dagaalku wuxuu dhaliyay cunto yari (saamayn).
     
  3. Maxaa la is barbar dhigayaa?
  4. Maxaa la sababaynayaa iyo sidee?
    sidaas darteed, sababtaas awgeed