Sideed taariikhda guriga ugu baran kartaa?

  1. Akhri ciwaanka kore iyo ciwaanada hoose ee qoraalka.  Baro sawirada iyo garaafyada. Xasuuso waxa macallinku uu ka sheegay maadada la baranayo, wakhtigii fasalka lagu jiray.
  2. Raadi fikradaha cusub ee ugu muhiimsan oo hubi inaad ku sharaxaad ka bixin kartid.  Raadi tusaaleyaal cabbiraya fikradaha casharka.
  3. Ka fikir sawirka guud ay fikraduhu ay sameeynayaan. Sidee bay isula xidhiidhaan? Waa maxay waxa arrinka ugu weyn iyo qaybaha uu ka kooban yahay?
  4. Akhri qoraalka oo dhan. Sawir, jaantus iyo shax ka samee.
  5. Calaamadee erayada iyo waxyaalaha aadan fahmin. Weydii macalinka arrimahan, markaad isugu timaaddaan casharka xiga