Cunto karinta, habka wax loo qabto waxaa lagu qeexaa ficil ahaan. Fasalka/xiisadda waxaa lagu bartaa habab kala duwan oo wax loo qabto. Macnaha loola jeedo erayga karin wuu ka duwan yahay wax karkarin, sidoo kale macnaha loola jeedo erayga ged-geddi wuu ka duwan yahay rog-rogitaan arrin kolba dhinac laga fiirinayo. Waa in arimahaas feejignaan gooni ah la siiyo. Tilmaamista cunto-karinta iyo liiska ay ku qoran yihiin maaddooyinka cuntada laga sameynayo, marwalba looma isticmaalo erayo isku mid ah. Maaddooyinka cuntada laga sameynayo waxaa loo isticmaalaa magocooda guud ee loo yaqaanno: tusaale ahaan, dufan ka waxa laga wadaa tahay dufanka cuntada lagu sameeyo (tusaale, saliidda cuntada) ee ku xusan liiska maaddooyinka cuntada laga sameynayo, halka burka/daqiiqdu ay ka dhigan tahay dhammaan burka noocyadiisa kala duwan ee ku xusan liiska maaddooyinka. Tilmaamahaa cunto-karinta ayaa sidoo kale lagu sheegaa habka wax loo sameynayo: tusaale isticmaal fargeeto loox ka sameysan, darajada dhexe ee foornada, biraha/mashiinka wax lagu qaso, digsiga. Habka wax loo sameynayo waxaa lagu sheego naxwe ahaan qaab dul-saarid ah (lla/llä). Waxa sidoo kale tilaamista lagu xusaa muddada/wakhtiga cunto-sameyntu ay qaadanayso.