Qoraaladu waxay bixiyaan macluumaad guud oo ku saabsan nafaqada iyo maaddooyinka ay cuntadu ka kooban tahay. Xogta waxaa lagu sheegaa qaab jaantus/jaantusyo ama sawiro ah. Tusaale ahaan, sawirka saxanka cuntada noocyada kala duwan leh ku jirto, wuxuu muujinaya habka cuntada caafimaadka leh loo baahan yahay in loo cuno. Qaar badan oo kamid ah qoraallada buugga ku qoran, waxaa u geddisan kartaa jaantus, shax khariidadda aad jeclaato. Qoraallada maaddada daryeelka guriga waxay sidoo kale falanqeeyaan arrimaha kale ee la xiriira daryeelka iyo dhaqaalaha guriga. Qoraalladani sidoo kale badanaa waa tilmaamo. Waxay ku xusan fikrado cusub oo la baran karo (maryo/dhar, calaamadda daryeelka dharka), kuwaasoo nuxurka ku jira inta badan lagu qeexo fasalka dhexdiida ama aad si iskaa ah uga salgaari kartid.
Buugaagta wax laga barto intooda badan waxay leeyihiin tusmooyin kaa caawinaya inaad fahamto fikradaha cusub ee casharka, waxayna kugu hagayaan bogagga saxda ah ee aad macluumaad dheeri ka heleyso. Tusmada, fikraduhu waxay u kala horreeyaan qaab alifbeetado ku saleysan. Kelmadehee laga soo xulay qoraalka oo ku jira tusmada? Waxay mudan yihiin in la barto oo laga salgaaro!