Buugaagta luuqadaha oo dhan waxa lagu akhriyi karaa iyadoo la isticmaalayo habab isku mid ah. Buugaagta luqadda waxa loo diyaariyaa hab ay cutubyada dambe ee buuggu u adeegsadaan ereyada iyo naxwaha cutubyadii hore. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in la barto cutubyada buugaagta si habaysan, marka la baranayo luqadda. Haddii ardaygu maqan yahay, waa inuu si iskiis ah u barto maadooyinkii la bartay intii uu maqnaa. Waxaad caawinaad waydiisan kartaa macalinka . Akhriska qoraalka waxaa loogu talagalay in kor loo akhriyo. Akhriska qoraalku wuxuu sidoo kale noqon karaa wada hadal, tusaale ahaan wada hadal dhexmara dadka. Inta badan wada hadaladu waxay la xiriiraan xaalado kala duwan. Marka qoraalka kor loo akhriyo, waxaa la helaa qaab ku haboon ku dhawaaqida. Kor u akhrinta waxay kaloo caawisaa in la xasuusto erayada, tibaaxaha iyo qaab-dhismeedka. Sawirka la socda qoraalka wuxuu caawiyaa in la fahmo xaaladda uu casharku ku saabsan yahay. Wax-akhrinta iyo wada-hadalku waxay sidoo kale u adeegaan oo ay tusaale u noqdaan qaabdhismeedka qoraalkaaga iyo hadalkaaga.
Wax akhriska waxaa lagu bartaa
- ereyada guud (live, definitely)
- erayada la xidhiidha xaaladda ama mawduuca (playground, pond )
- murti ama odhaah (have fun)
- naxwaha (I haven’t)
- dhismayaasha (there are kids playing)
- in aad fahanto qodobada muhiimka ah ee qoraalka adigoonan u baahnayn inaad kalmad kasta macnaheeda ogaato.
Akhriska qoraallada waxaa weheliya leyliyo. Layliyadu waxay khuseeyaan erayada la baranayo, qaab-dhismeedka iyo naxwaha. Casharrada qoraalka iyo casharrada hadalka, waxaad had iyo jeer tusaale ahaan u isticmaali kartaa qoraallada buugga . Luqadda (erey bixinta iyo qaab-dhismeedka iyo sidoo kale naxwaha), waxaa sida ugu wanaagsan loogu bartaa ku celcelinta iyo dib u eegista iyo u adeegsiga xaaladaha cusub intii suurtagal ah, qoraal iyo hadal ahaan labadaba.