- Kor u akhri qoraalka oo hubi erayada aadan ka dhexfahmin qoraalka.
- Kor u akhri wada hadalka, si aad uga mid noqoto jilayaasha. Isku day inaad si macquul ah uga jawaabto qeybta hadalka kaaga aaddan. Markaa kadib ka fiiri tusaalaha.
- Kusoo celi ku dhawaaqidda erayada: Marka hore gacantaada ku dabool dhinaca Finnishka oo xasuuso macnaha erayga qalaad oo finnish ah. Dabadeed dabool dhinaca afka qalaad ee erayada oo xusuuso macnaha erayga finnishka ah ku noqonayo luqadda qalaad. Xusuusnow inaad ku celiso maqaallada iyo isku xidhka kalmadaha! Waa inaad sidoo kale qortaa erayada si higgaadu ugu hadho maskaxdaada.
- Samee leyliyadaada markaa ka dib. Markaad ka shaqeyneyso casharrada naxwaha, hakuu furnaado tilmaamaha naxwaha ee buuggu. Haddii aad u baahan tahay kelmad, ka eeg qaamuuska, markaas ereyga waxa uu ka tagayaa raad xusuus muuqaal ah. Ha google garaynin.