Sideed u barataa luqadda finnishka iyo suugaanta luuqad labaad ahaan (S2)? – 2

Dhanka kale, xiisadda maaddada S2, waxa diiradda la saarayaa erayada guud ee luqadda finnishka, qaab dhismeedka luqadda, xirfadaha akhriska iyo qoraalka. Casharradu waxay kaloo bixiyaan macluumaad guud oo ku saabsan luqadda finnishka, suugaanta iyo warbaahinta. Xiisadda waxaa lagu bartaa, fikradaha la xidhiidha mawduucyadan (tusaale ingressi, cinwaan-gujis, xog aan sal-lahayn). Ina lagu jiro xiisadda, waxaa lagu tababartaa  muujinta dareenka iyo geesinimada dad-hor-istaagga,  sababtoo ah waxaa muhiim ah in qof kastaa uu ku dhiirado inuu arrimihiisa daryeelo oo uu ra’yigiisa ka dhiibto bulshada dhexdeeda.