Sidee baad dib u eegis ugu samaynaysaa maaddada luuqada finnishka iyo suugaanta, si aad ugu diyaargarowdo imtaxaankeeda?

  1. Akhri tuducyada soo noqnoqda ee buugga dhawr maalmood, in yar markiiba. Sameyso maab-maskexeed oo si kooban u qor, liis-garee oo sameyso jaantusyo. Hubi inaad fahantay cutubyada iyo erayadooda. Horumari aqoontaada adiga oo dib u eegaya qoraalada xusuus qorka.
     
  2. Ku celi micnaha fikradaha muhiimka ah ee la baranayo: sharraxaad ka bixi oo ku tababaro inaad sax u qortid. Isku bed-bedel fikradaha adigoo kolba jumlado kala duwan raacinaya. Hubi inaadan ku khaldin fikradda fikrad kale oo u  dhow ama fikrad-hooseedyo kale.
     
  3. Dib u eeg oo ku cel-celi  naxwaha,  adigoo sameynaya leyliyadii aadan weli ka shaqeynin iyo kuwa aad hore uga soo shaqeysay. Dib u xusuuso arrimahan soo socda:
    • Waa maxay macnaha ifafaalaha naxwaha? Waa maxay waxa cusub oo ifafaaladu kusoo kordhineyso kelmadda?
    • Weedhee ama jumladdee ayey ifafaaladu la xidhiidhaa?
    • Haddii arrinta la baranayo ay la xidhiidho  is-rog-rogga kalmadda Kalmaddee la raacinayaa (ficil ahaan, tusaale ahaan. y.1.p. / m.3.p qaabka aasaasiga ah; jirida shaqalka/jirta shibbane ee magac ahaan)?
    • Waa maxay tillaabooyinka loo baahan yahay ka hor inta aan qaabka la abuurin?
    • – Sidee isbeddelka cutubyadat ula xiriiraa arrinta?
    • Haddii arrinta la baranayo ay la xidhiidho jumladda: Isbeddel noocma ah ayaa ku immanaya jumladdo dhan, marka ifafaaladu dhaceyso? (Tusaale ahaan, beddelka falka jumlada oo loo beddelo qaab taban, waxay jumladda kusoo kordhineysaa shaqal dheeri ah (partitiivi): Luen kirjan. – En lue kirjaa.)
       
  4.  Ku soo celi erayada cutubyada, si aad uga jawaabto su’aalaha dhaadheer. Hubi inaad si sax ah u qori karto magacyada kala duwan.
     
  5. Hore usii akhri qoraalka suugaanta, haddii imtxaanku uu ku immanayo. Haddii la oggolyahay in la isticmaalo xasuusqor, hore usii diyaarso xasuusqorka.
     
  6. Hore usii baro shuruudaha qiimeynta ee la xiriira su`aalaha qorista iyo hadalka, si aad u ogaato nooca natiijada wanaagsan.